849 Views

Maamulka Somaliland ee gobolka Sanaag oo dadka aan u dhalan Gobolkaas u qabtay in ay kaga baxaan mudo 14 cisho ah

Maamulka Somaliland ee gobolka Sanaag oo dadka aan u dhalan Gobolkaas u qabtay in ay kaga baxaan   mudo 14 cisho ah
____________________________________________________________________________

Isniin: October 11, 2021

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag Maxamed Khaliif Nuur, ayaa ku amray  dadka aan Somaliland u dhalan ee ku dhaqan gobolka Sanaag, in ay gobolka kaga baxaan mudo 14 cisho ah.

Khaliif ayaa sheegay in amarkani ka yimid xukuumada dhexe ee Somaliland, waxaanu ku amray in muddo 14 cisho gudahood ah ay gobolka kaga baxaan.

Waa go’aan kasoo baxay guddida heer qaran ee xukuumada Somaliland, go’aan kaas oo ah in ajaanibka gobolka Sanaag ay ka baxaan, aadaana waddankii ay kasoo shaqo tageen, maantoo ah 10 October waaxanu dadkaa u caddaynaynaa in ay ku diyaar garooba oo dalka kag baxaan mudo 14 cisho ah” ayuu yidhi Khaliif.

Sidoo kale Khaliif ayaa sheegay dadka reer Sanaag ee xiriirka ganacsi lalahaa bulshada in ay ku kala gurtaan mudada 14 cisho ah, ee loo qabtay in ay ku baxaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post