543 Views

Ciidamada Israa’iil oo toogtay darawal Falastiini ah xaaskiisana dhaawac culus u geestay

Ciidamada Israa’iil oo toogtay darawal Falastiini ah xaaskiisana dhaawac culus u geestay
____________________________________________________________________________

April 6, 2021  

Wararka ka imaanaya Bariga dhexe ayaa sheegaya in Mas’uuliyiin ka tirsan Falastiin ay sheegeen in ciidamada Israa’iil ee ku sugan dhulka ay heysato ee Daanta Galbeed ay toogteen darawal u dhashay Falastiin.

Wararka ayaa sheegaya in darawalka ay toogteen kadibna ay halkaas ku dhaawacantay xaaskiisa oo la saarneed gaariga ay rasaasta ku fureen.

Sidoo kale Ciidamada Israa’iil waxay dhankooda sheegeen in ninka Falastiiniga ah uu isku dayay in uu xoog ku maro bar kantarool oo ay ciidamada joogeen halka xaaskiisa la dhaawacay ay sheegtay in seygeeda uu joogsaday markii uu soo gaaray barta kantrool.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post