2661 Views

Aqalka Sare oo ka hadlay Gabadhii ku umushay Wadada dhexdeeda

Aqalka Sare oo ka hadlay Gabadhii ku umushay Wadada dhexdeeda
____________________________________________________________________________

uqdisho | QOL April 04, 2019 –halay gelinkii hore ayey aheyd markii Haweeney ka mid ah adka ku nool Magalada Muqdisho loo diiday in ay ku dhasho xarun caafimaad oo ku taalla degmada Xamar jajab oo lagu Magacaabo Wardi,waxaana dhacdadaas si kulul uga hadlay Aqalka Sare.

Sanoter Samsam Daahir Maxamuud oo ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare ayaa sheegtay inay falkaasi cambaareeynayaan,waxaana guddoomiyaha Gobolka Banaadir ka dalbatay inuu jawaab deg deg ah ka bixiyo falkaas.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in Golaha aqalka Sare uu yaalllo sharciga mihnadlayaasha Caafimaadka,isla markaana in sharcigaas ansixintiisa uu suura gelin lahaa in dhaqaatiirta falalkaas ku kaca laga laaban karo Warqada ogolaanshaha Shaqada.

Dad badan oo isugu jira, Siyaasiyiin Maamulka Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa aad uga xumaaday falka lagula kacay Haweeneyda lagu Magacaabo Khadra Maxamuud taas oo loo diiday inay ku dhasho Gudaha Isbitaalka WARDI,isla markaana ay ku dhashay banaanka Isbitaalkaas.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment