720 Views

Galmudug oo sheegtay in ay diyaariyen qorshe Deegaannada Al-Shabaab ay ka qabsadeen loogu sameynayo maamullo

Galmudug oo sheegtay in ay diyaariyen qorshe Deegaannada Al-Shabaab ay ka qabsadeen loogu sameynayo maamullo
____________________________________________________________________________

Jimco: August 6, 2021

Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug oo Warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in Dowlad-Goboleedkiisa uu diyaariyay qorshe Deegaannada Al-Shabaab ay ka qabsadeen loogu sameynayo maamullo ku shaqeeya & helista adeegyada aasaasiga ah.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug, isla markaana hoostagta Degmada Xarardheere ayaa sheegay in ciidamadu ay ku guuleysteen xaqiijinta amniga, haatanna ay magaalada tahay mid nabdoon oo Nabadgelydeeda la isku haleyn karo.

Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa xusay in magaalada Camaara laga hirgelin doona Saldhig boolis, xarumo caafimaad iyo Waxbarasho iyo waxyaabaha kale ee ay bulshada u baahantahay, maadaama Al-Shabaab ay kalhore baabi’iyeen goobihii bulshada loogu adeegi jiray.

Ciidamada Militariga ah ee Dowladda Federaalka & kuwa Daraawiishta Galmudug ayuu shaaciyay in ay kusii soconayaan howlgallada ka socda deegaannada ay joogaan Al-Shabaab sidaas awgeed ciidanka amniga lagu wareejinayo magaalooyinka ay qabsadaan.

Galmudug ayaa ku hanjabtay in ay gacanta ku dhigeyso Magaalo Xeebeedka Xarardheere ee Gobolka Mudug oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa sheegay in ciidanka uu jiheysanayo Degmadaas.

Howlgalka ka socda Gobolka Mudug oo socda dhowr todobaad waxaa ka qaybgala diyaaradaha duulliye la’aanta Mareykanka oo saddex fuliyay duqeymo ay la eegteen deegaannada ay isaga baxeen Al-Shabaab oo markii dambe ay galeen Ciidanka DFS & Daraawiishta Galmudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post