636 Views

Waa kuma Ebrahim Raisi, madaxweynaha cusub ee Iiraan oo Reer Galbeedka ku tilmamen shaqsi adag ?

Waa kuma Ebrahim Raisi, madaxweynaha cusub ee Iiraan oo Reer Galbeedka ku tilmamen shaqsi adag ?
____________________________________________________________________________

June 20 2021

Wadaadkan 61 sano jirka ah oo lagu tiriyo inuu mayal adag yahay wuxuu ku dhashay Mashhad oo Iiraan ka tirsan.

Waxaa weligeedba la rumeysnaa inuu yahay qofka ugu dhow ee beddeli kara Ayatollah Khamenei.

Weligiis ma uusan beenin wararka la isla dhex mari jiray ee damaciisa ah inuu noqdo hoggaamiyaha sare ee xiga, qaar badan oo ka mid ah tallaabooyinkiisana waxay muujinayeen in loo sharraxay xilkaas.

Dhowr xil ayuu ka soo qabtay waaxda garsoorka waana ku xigeenka guddoomiyaha Golaha Khubarrada.

Taariikhda arrimaha bani`aadannimada ee Raisi, waxay muujineysaa inuu door ku lahaa xukunkii dilka ee lagu fuliyay maxaabiis badan oo siyaasadeed sanadkii 1988.

Wuxuu ku guul darreystay doorashadii madaxtinnimo ee sanadkii 2017, balse Hoggaamiyaha Sare ayaa u magacaabay madaxa Garsoorka.

Tan iyo intii uu xilkaas qabtay, wuxuu kordhiyay ka soo muuqashadiisa warbaahinta wuxuuna bilaabay waxa uu ugu yeeray “dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa”.

Sida Ali Khamenei, Raisi wuxuu ka soo horjeeday heshiiskii nukliyeerka ee Iiraan ee sanadkii 2015 wuxuuna xulafo dhow la yahay Ilaalada Kacaanka.

Xigasho BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post