1701 Views

Dagaalka ka socdo caawa magaalada Beledweyn oo u dhaxeeya maamulka gobolka Hiiraan iyo sarkaal Nuur Dheere.

Dagaalka ka socdo caawa magaalada Beledweyn oo  u dhaxeeya maamulka gobolka Hiiraan iyo sarkaal Nuur Dheere.
____________________________________________________________________________

Khamiis December 30, 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya caawa magaalada Beledweyn, waxaana la sheegay in caawa ay magaalada ka dhacayso Rasaas Xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu u dhaxeeyo Ciidamada maamulka Gobolka Hiiraan iyo Maleeshiyaad uu wato nin magaciisa lagu sheegay Nuur Dheere.

Sidoo kale Dagaalka oo sii xoogeystay ayaa ka socdo xaafadda Kooshin, waxeyna labada dhinac isku adeegsanayaan hub culus.

Khasaaraha illaa hadda la ogyahay waa dhaawaca 7 qof iyo dhimashada 1 qof, waxaana aagga uu dagaalka ka socdo ka billaawday barakac.

Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha Dagaalkaas

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post