1338 Views

Nin Maraykan Oo Qirtay Inuu Dil Ugu Hanjabay Ilhan Omar Iyo Xildhibaano Kale

Nin Maraykan Oo Qirtay Inuu Dil Ugu Hanjabay Ilhan Omar Iyo Xildhibaano Kale
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 12,, 2019  –Eedeysane lagu magacaabo John Kless oo 49-jir ah ayaa waxaa uu qirtay inuu cabsi-gelin dil ah u diray 3 Xildhibaan oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, isla markaana uu aflagaadeeyey Ilhan Omar oo Somali-Maraykan ka tirsan Kongareeska dalkaasi.

Dacwad-oogayaasha waxay shalay Maxkamadda ka hor sheegeen inuu Eedeysanaha bishii April 16-dii uu Farriin Codad ah oo uu ku hanjabayo u kala diray Xafisiyadda Xildhibaano ka tirsan Kongareeska Maraykanka oo ay ka mid tahay Rashida Talayb.

Xildhibaanadaasi iyo Ilhan Omar waxay yihiin haweenkii ugu horreeyey ee Muslim ah oo loo doorto Aqalka Kongareeska ee dalka Maraykanka.

Eedeysanaha  John Kless waxa uu si xag-jir ah u aflagaadeeyey Ilhan Cumar, isagoo ku xiriiriyey weerarkii Ururka Alqaacida ee Diyaaradihii la afduubtay ee laga geystay Daarihii Mataanaha ee  Maraykanka bishii September 11-dii ee sannadkii 2001-dii.

John Kless waxa la sheegay inuu Madaxweyne Donald Trump ku difaacay  Farriimo, isla markaana uga digay Xildhibaan Ilhan Cumar iyo kuwa kale ee ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga inay joojiyaan naqdinta ay ku hayaan Madaxweyne Trump.

Bishii April waxa uu Madaxweyne Trump bartiisa Twitterka soo dhigay Muuqaalka Ilhan Omar iyo Dhismihii Xarunta Ganacsiga ee WTO oo gubanayso, wuxuuna daba dhigay qoraal uu ku muujiyey dareenka Ilhan omar ee weerarkii  Alqaacida ee Daarihii Mataanaha Maraykanka ee bishii September 11-dii ee sannadkii 2001-dii.

Dhinaca kale, Maxkamadda Federalka ee Gobalak Florida waxay aragtay inuu Eedeysane John Kless qirtay inuu Xildhibaano ku cabsi-geliyey Isgaarsiinta, waxaana dacwadiisa dib loo dhegeysan doonaa bisha soo socoto ee July 20-da, halka ay warar kale sheegayaan in dacwada la qaadi doono bisha August 20-da ee sanadkan.

Eedeysanaha waxaa laga yaabaa in lagu xukumo Xabsi 5 sanno iyo ganaax dhan 25,000 oo Dollar.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment