723 Views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo galinkii dambe ee maanta kulan xasaasi ah la qaatay Safiiradda dowladda UK iyo Mareykanka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo galinkii dambe ee maanta kulan xasaasi ah la qaatay Safiiradda dowladda UK iyo Mareykanka.
____________________________________________________________________________

Axad: January 2, 2022

 Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa galinkii dambe ee maanta kulan xasaasi ah la qaatay Safiiradda dowladda UK iyo Mareykanka.

Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay xaaladihii u dambeeyay ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, amiga iyo abaaraha, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Laftagareen.

Sidoo kale waxaa kulankaan qeyb ka ahaa oo madaxweyne Laftagareen ku wehlinayay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Agaasimaha Madaxtooyada.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa horey u sheegay inuu ka qeybgeli doono shirka uu iclaamiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hase yeeshe markii dambe wuu bedelay go’aankiisa.

Laftagareen ayaa cadaadis xoog leh kala kulmay Beesha Caalamka, taasi oo keentay inuu aqbalo ka qeybgalka shirka uu hore u iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post