879 Views

Jeneral Tuuryare iyo qaar ka mid ah musharixiinta u taagan kursiga tirsigiisa yahay HOP067 oo baaq diray dawo Muqaalka

Jeneral Tuuryare iyo qaar ka mid ah musharixiinta u taagan kursiga tirsigiisa yahay HOP067  oo baaq diray dawo Muqaalka
____________________________________________________________________________

Talaado: November 23, 2021

 Xili la isku heesto Kursiga HOP067  oo ay leedahay Besha wacaysle, ayaa waxaa Qeylo dhan arintaas ka muujiyay Mas’uuliyiin uu ka kmid yahay Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugidda, General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare iyo qaar ka mid ah musharixiin kale.

Mas’uuliyiinta ayaa eedayn u jeediyay maamulka Galmudug oo uu Madaxweynaha ka yahay Qoor Qoor, waxa ayna sheegeen in kursiga tirsigiisa uu yahay HOP067 la rabo in la dhaco.

General Tuuryare oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa ku eedeeyey in boobka kursigan ay si wadajir ah isaga kaashanayaan Galmudug iyo Villa Somalia.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka markii hor loo dhisay maamulka uu hoggaamiyo Qoor Qoor ay aheyd in lagu boobo doorashooyinka xildhibaanada baarlamaanka.

Tuuryare oo u sharaxan kursiga HOP067 ayaa sidoo kale xusay in kuraasta taalla Glamudug loo qeybsaday laba qeybood, qeybta ugu badana ay soo qoraneyso Villa Soomaaliya.

Waxa uu  intaasi kusii daray “Kuraasta saddex marka loo dhigo labo dhig oo ka mid ah waxaa loo xoogayaa Villa Soomaaliya lambaro ayaana ku qoran lambaradaasna dad ayaa magacyo ku soo hoos qortay ayaa la yiri,”

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post