327 Views

Al-Shabaab oo Qarax Culus la eegtay shaqaale Kenyaan ah

Al-Shabaab oo Qarax Culus la eegtay shaqaale Kenyaan ah
____________________________________________________________________________

Sabti: July 16, 2022

Wararka lage halayo gobolka Waqooyi Bare ee dalka Kenya ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare geystay ay Al-Shabaab ka fulisay deegaan hoostaga magaalada Mandheera, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari ay saarnaayeen shaqaale Kenyaan ah oo u shaqeynayey shirkad dhismo, waxayna kusii jeedeen deegaanka Wargadud-Takaba oo ka tirsan magaalada Mandheera ee gobolka Bari ee Wadanka Kenya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 3 qof oo ka mid ah shaqaalaha, halka uu burbur uu soo gaaray baabuurkii ay la socdeen.

Saraakiisha laamaha ammaanka Kenya ayaa xaqiijiyey jiritaanka weerarkaasi, waxayna shaaciyeen inay wadaan howlgal ay ku baadi goobayo raggii ka dambeeyey weerarkaasi oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo goobta ka baxsaday, kadib qaraxa ay fuliyeen.

Xaaladda deegaanka uu weerarka ka dhacay ayaa haatan ah mid deggan, waxaana qaraxaan uu qayb ka noqonayo weeraro maalmahan ka dhacay halkaasi

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post