1302 Views

Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Kulan Muhiim Ah Yeelanaya

Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Kulan Muhiim Ah Yeelanaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 06, 2019 –Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay kulan ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha Kulanka 3-aad Kal-fadhiga 5-aad ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 6-da bisha April 2019, ayaa waxaa looga doodi doonaa xaalada amniga dalka oo maalmihii lasoo dhaafay aheyd mid xun.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa Su’aallo  xaalada amni ee dalka ka weeydiin doona Wasiirada Gaashaandhigga, Amniga & Taliyeyaasha Ciidamada,kuwaasi oo Guddoonka Golaha Shacabka ugu yeeray Maalin kahor inay hor-yimaadaan Xildhibaanada

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay waxaa loo diray fariimo ku aadan in uu jiran kulan,isla markaana laga doonayo inay kasoo geyb galaan.

Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta aad loo adkeeyay,waxaanta saakay Ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya ay xireen Wadooyinka soo gala iyo kuwo kabaxa Xarunta Galaha Shacabka ee Muqdisho.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment