891 Views

Qorshaha Biden oo ay caqabad ku noqdeen xubno ka tirsan xisbigiisa

Qorshaha Biden oo ay caqabad ku noqdeen xubno ka tirsan xisbigiisa
____________________________________________________________________________

isniin: October 4, 2021

Mudaneyaal ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, gaar ahaan xisbiga Dimoqraadiga ayaa wali ku adkaysanaya inay ka hor yimaadaan ansixinta miisaaniyadda uu doonayo Madaxweyne Joe Biden, inuu wax kaga qabto horumarinta kaabeyaasha aas-aasiga ah ee dalka.

Madaxweyne Biden ayaa galinkii dambe ee Jimcihii tagay aqalka Congress-ka si uu mudaneyaasha xisbigiisa ee kasoo horjeeda ugu qanciyo qorshihiisa, balse taasi uma ay suurto galin.

Sidoo kale, labadii cisho ee Sabtida iyo Axadda oo shaqooyinka laga nasanayay may muuqan waan-waan iyo wadaxaajood laga midho dhaliyay.

Hadaba maxa laga filan karaa in arrimaha lagu muransan yahay lagu xalin doono toddobaadkan bilaabmaya maanta oo Isniin ah, maxay yihiin qodobada la isku mari la’yahay, maxayse xubnaha Dimuqraadiga qaarkood uga soo horjeedaan qorshaha madaxweynaha ay isku xisbiga yihiin?

VOA

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post