2571 Views

Ciidamadii Ugu Badanaa Oo Caawa Lawareegay Dhismaha Golaha Shacabaka

Ciidamadii Ugu Badanaa Oo Caawa Lawareegay Dhismaha Golaha Shacabaka
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL | March 16, 2018 —Ciidamo cusub oo gaar ah ayaa gelinkii dambe ee maanta la wareegay ammaanka xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xarunta Golaha Shacabka waxaa ammaankeeda horey u ilaalin jiray Ciidamo Boolis ah oo tiro ahaan gaaraya 114, oo uu ka warhayo Guddoonka Golaha Shacabka, kuwaasi oo Miisaaniyad gaar ah lagu siiyo.

Arrintan ayaa waxa ay ku soo aaday xilli ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo Mooshin ka gudbiyay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Soomaaliya C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay VOA-da ayaa waxa uu sheegay in galabta la qaaday Ciidankii oo dhan lana keenay Ciidamo cusub, iyada oo uu sheegay inaan lagu soo wargelin.

Wuxuu sheegay mararka qaar ee ay jiraan xaalado gaar ah in ay dalban jireen Ciidamo gaar ah oo lagu soo kordhin jiray Ciidamada Booliska ee ilaaliya ammaanka xarunta, balse arrintan iyaga aanan lagala tashan keliya ay marqura ka war heleen.

C/kariin Xaaji Cabdi Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay ilaa hadda in aysan jirin kulan ay yeelanayaan Golaha Shacabka, maadaama hadal heynta ay aheyd in Baarlamaanka berri oo Sabti ah ay shirayaan.

“Wallaahi runtii ilaa hadda ma jirto cid ka war qabta arintan, Ciidamada waala bedelay, xildhibaanada marka ay maqleen wal wal ayaa galay, kolley Madaxda Dowladda ayaa lagala hadli doonaa.” Ayuu yiri Xoghaye Buux.

Waxaa taagan xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa Guddoonka Golaha Shacabka oo garab ka mid ah ay gadaal ka riixeyso Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Khayre, arrintan waxaa laga yaabaa in ay saameyn ku yeelato kulamada Baarlamaanka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment