528 Views

Faaf faahin kasoo baxeysa dagaal kadhacay Magaalada Feerfeer

Faaf faahin kasoo baxeysa dagaal  kadhacay Magaalada Feerfeer
____________________________________________________________________________

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Degaanka feerfeer oo u dhaw Xadka Itoobiye iyo Soomaaliya  ee xiga dhinaca Gobolka Hiiraan.

Dadka degaanka ayaa soo Weriyay in mar qur ay maqleen rasaas xoogan oo u dhaxeyso Ciidamada liyuu Booliska ee dowlad degaanka iyo kuwa iyo Itoobiye oo isku dhinac ah iyo koox hubeeysan oo buurta Magaalada Rasaasta kasoo riday,

Wali ma cada khasaaraha dagaalka kadhashay hayeeshee Ciidamada itoobiye ayaa saakay howlgallo ka sameeyay duleedka Magaalada, waxaana an si dhab ah loo ogeyn Kooxda weerarka ku qaaday feerfeer in kasto wararka qaar sheegayaan inay  ahaaywen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Maamulka Dowlad degaanka Soomaalida iyo kan Gobolka Hiiraan ayaan weli ka hadlin dagaalkaas, waxaana Magaalada Feerfeer ay tahay xaaladeeda mid degan, isla markaana isku socodka dadka iyo Gaadiidka au si caadi ah u Shaqeeynayaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post