879 Views

Ruushka oo weerarro horleh ugu hanjabay shan magaalo oo ka tirsan Ukraine

Ruushka oo weerarro horleh ugu  hanjabay shan magaalo oo ka tirsan Ukraine
____________________________________________________________________________


Sabti: March 26, 2022

Ciidamada Ruushka ayaa ku hanjabay inay duulaan adag ku qaadi doonaan  shan magaalo oo ay ku jirto caasimadda Ukraine, kuwaa oo horay ay u go’doomiyeen.

Sarakiisha Ruushka ayaa sheegay in ciidamadooda ay xoogga saari doonaan sidii ay u dhameystiri lahaayeen gacan ku haynta shan magaalo oo ay ku jirta Kyiv, sidokale hoggaanka Ciidamada Ruushka ayaa ku hanjabay in dhismayaasha magaalooyinkan ay dhuka la simi doonaan.

Dhanka kale  Ukraine ay xaqiijisay in khasaare lixaad leh ay u geysateen ciidamada Ruushka, ayna ku qasbeen inay dib ugu  gurtaan magalooyinkii ay soo weerareen.

Wasaaradda gaashaandhigga  Ruushka ayaa ku dhawaaqday in ay dileen 1,351 Askari oo Ukraine u dhashay tan iyo markii uu dagaalka bilaawday, taas oo ay ka soo wareegtay muddo Bil ah.

Sidokale Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa xaqiijisay in gebi ahaanba lay burburiyeen ciidamadii Cirka iyo Badda ee Ukraine.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post