1017 Views

Kooxda Taliban oo la wareegtay gacan ku haynta magaalo uu awood ku leeyahay dagaal ooge caan ah

Kooxda Taliban oo  la wareegtay gacan ku haynta magaalo uu awood ku leeyahay dagaal ooge caan ah
____________________________________________________________________________


Sabti: August 7, 2021

Kooxda Taliban ayaa Sabtida maanta ah la wareegtay gacan ku haynta magaalo uu awood ku leeyahay dagaal ooge caan ah, sida ay wakaaladda AFP ka soo xigatay saraakiisha dowladda, waana caasimad goboleedkii labaad ee 24-kii saac ee la soo dhaafay gacanta u gasha Taliban.

Guddoomiye ku xigeenka magaalada Sheberghan ee gobolka Jawzjan ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo saraakiishu ay dib ugu gurteen garoonka diyaaradaha oo ku yaalla duleedka magaalada dhacda waqooyiga Afghanistan, halkaasi oo ay doonayaan in ay isku difaacaan.

“Nasiib-darro, magaalada si buuxda ayaa gacanta loogu dhigay,” ayuu guddoomiye ku xigeenka gobolka Jawzjan Qader Malia u sheegay AFP.

Magaalada ayaa ah halka uu ka soo jeedo hoggaamiye kooxeed caan ah oo lagu magacaabo Cabdul Rashiid Dostum, oo toddobaadkan uun ku soo laabtay Afghanistan ka dib markii daweyn caafimaad uu ku soo qaatay Turkey, laakin waxaa la aamminsan yahay in hadda uu ku sugan yahay magaalada Kabul.

Taliban ayaa dhul ballaaran oo dalkaasi ah la wareegtay tan iyo bishii May oo ay bilowday olole dagaal kaasi oo ku soo aaday xilli ay ciidamada shisheeye bilaabeen in ay si dhameystiran dalkaasi uga baxaan.

Jimcihii ayay magaalada Zaranj ee caasimadda gobolka Nimroz “dagaal la’aan” gacanta ugu gashay kooxda Taliban sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenka gobolka, waxa ayna noqotay caasimad goboleedkii u horreysay ee gacanta u gasha Taliban.

Dostum ayaa hogaaminayay mid ka mid ah maleeshiyaadka ugu badan ee waqooyiga dalkaasi, isaga oo ahaa shakhsi aad looga baqo dagaalkii uu 1990-naadkii la galay kooxda Taliban awgii, waxaana sidoo kale lagu eedeeyaa in maleyshiyadiisu ay laayeen kumanaan maxaabiis dagaal ah.

AFP

OfFice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post