987 Views

Mid Kamid Ah Ganacsatada Somaliland Oo Ku Milmay Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi Ee Somaliland Muqdisho

Mid Kamid Ah Ganacsatada Somaliland Oo Ku Milmay Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi Ee Somaliland Muqdisho
____________________________________________________________________________


Axad: November 7, 2021

)Xasaasiyada Ka Taagan Doorashada Aqalka Hoose ee Dawlada Fadaraalka ah ee Somaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay Dibada u soo baxay waxaana ku jira Siyaasiyiin iyo Ganacsato Somaliland ka soo jeeda oo Ku Dhex Milmay Qaabka Loo Xulayo Xildhibaanada Ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee somaliland.

Warbixintan waxa ay daaha kaga qaadi Doonaa Shirkado Siyaasiyiin iyo Ganacsato Dabada ka Riixaya oo u Ololaynaya madaxwaynaha dawlada Fadaraalka ah ee somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Sidii markale dib ugu soo noqon lahaa talada wadanka Somaliya.
Wakiilada Shirkada ithiopian airlines ee somaliya Sidoo kalena ah Sheer-layaasha Baanka premier bank ee Somaliya khaddar Maxamuud bayle ayaa Noqday Masuulka Madaxwayne Farmaajo u gacan Saaray inuu

sida doorashada loo galay iyada oo labadaas masuulba loo sameeyay malxiisyo qarsaday wajiga iyo indhaha.

Dhinaca kale wakiilka ithiopian airlines ee somaliya Khadar Maxamuud Bayle ayaa Maalin kasta Safaro ku yimaadda Magaaladda Hargeisa waxaana uu ka so dagaa Garoonka Diyaarada ee Hargeisa,hadaba Arintani waxa ay Muujinaysaa Sida aanay xukuumada Somaliland dhugba ugu lahayn Ganacsatada iyo siyasiyiinta Dabada ka Riixaya Murashaxiintii Gobolada Waqooyi ee dhinaca kale Xidhan Shaadhka ganacsatada.
Xili xukuumada madaxwayne muuse biixi ay markasta xasiga u taxaabto fanaaniinta taga Somalia iyo dadka ay ku aragto calanka Somalia ee ku sugan gudaha Somaliland .
Qaybta labaad waxaynu ku soo bandhigi doonaa cadaymaha uu Khadar Bayle kaga qayb qaadanaayay bixinta kharashaadka ergooyinkii doortay labadii kursi ee ay boobeen mahdi iyo biixi oo iyagu kala watay laba malxiis oo indhaha iyo afka qarsaday
Warbixinta Qaybta 1aad intaas ayaan ku soo koobaynaa Qaybta 2aad waxaanu ku soo bandhigi doonaa Sawiro Muujinaya Iyo Codad Laga Duubaya Wakiilada ithiopian airlines markii ergooyiga iyo Murashaxiinta SOmaliya Qaarkood Heshiisyo la galayay iyo Sida uu u dhacay Heshiiska Gorgortanka ahaa ee Dhexmarayay.

Soo Xero Galiyo Xildhibaanada Gobolada Waqooyi isaga oo Adeegsanaya Lacago uu siinayo Murashaxa Kana Bixinaya Lacagaha Ergooyinka isaga oo sidoo kale u samaynaya Murashaxiin kale oo iyaguna heshiisyo lala galay oo loo dhigayo sidii malxiis oo kalaa.


Hadaba ilo Xogogaal ah oo ay helayso hadhwanaag News ayaa Sheegaya in kuraasta Tirsigoodu Yahay #H239 Iyo #H237 oo ay ku Tartameen Raysal wasaare ku xigeenka Somaliya Mahdi Guuleed Khadar Iyo Biixi Iimaan Cige ayaa Cadayn u ah Kursiyada Lacagaha uu ku bixiyay Wakiilada Shirkada ithiopian airlines U Qaabisal Dalka Somaliya Khadar Maxamuud (Bayle) kaasi oo Ergooyinka Dooranayay Labada Murashax ku Doorteen Qaab ay ku dheehan tahay Laaluush Ergooyinka Lagu Dhex Siiyay Xafiiska Shirkada Itoobiya Airways ku leedahay Muqdisho.
Taasi oo ceeb iyo nusqaan ku ah in Shirkada ithiopian airlines ay ku milanto doorashada Somalia.


Hadaba Markii Gudida Khilafaadka Doorashooyinka Somaliya ay baadhis madax banaan ku sameyeen waxa la ogaaday in Kurastaadi yihiin Qaar Fashilmay oo gabi ahaanba La hakiyay iyada oo loo eegay Qaabka Doorashada loo galay oo ahayd Mid Aan Waafaqsanayd

Xigasho somalilandrise.net

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post