1137 Views

Diyaaradaha uu Raadsanayo Madaxweyne Erdogan oo Madax xanuun ku riday Joe Biden

Diyaaradaha uu Raadsanayo Madaxweyne Erdogan oo Madax xanuun ku riday Joe Biden
____________________________________________________________________________

Jimco: October 15, 2021

In muddo ahba Mareykanku wuxuu ka biyo diidayay inuu Turkiga yeesho awoodda diyaaradaha casriga ah, wuxuuna ku gacan seyray dalabaad ay Ankara ku dooneysay inay Washington uga iibsato diyaarado dagaal.

Faallo uu wargeyska Financial Times ee kasoo baxa waddanka UK ka qoray mowduucan ayuu cinwaan uga dhigay “Dadaalka uu Turkigu ku raadinayo diyaaradaha dagaalka waxa uu culeys ku yahay Biden”.

Turkiga waxay dhibaato ka heysataa sidii ay ku heli lahaayeen diyaarado dagaal, sida uu wargeyska ay soo xigatay BBC-da ku xusay maqaalka.

about:blank Mareykanka ayaa waddankan xubinta ka ah isbahaysiga NATO ka hor istaagay inuu helo dalab uu ku iibsanayay 100 diyaaradood oo noocoodu yahay F-35, Diyaaradahaas waxaa la qorsheynayay inay laf dhabar u noqdaan awoodda dhinaca cirka ee dowladda Turkiga.

Washington waxay go’aankaas u qaadatay si ay Turkiga ugu ciqaabto go’aankii uu madaxweyne Recep Tayyip Erdogan Ruushka uga soo iibsaday qalabka difaaca hawada, kaasoo uu u sahlay Vladimir Putin.

“Haddii uu hirgali lahaa heshiiskaas ganacsi ee Turkiga looga iibinayay diyaaradaha faa’iidada uu keeni lahaa kuma aysan ekaan lahayn dhaqaale usoo xarooga waaxda difaaca Mareykanka balse waxa uu sidoo kale sare u qaadi lahaa xiriirka Washington iyo dalalka reer galbeedka ee ay xulafada yihiin, kuwaasoo aysan dan ugu jirin in Erdogan uu u dhawaado Putin,” ayaa lagu yiri faallada.

Arrintaas waxa ay sidoo kale xaqiijin lahayd in ay saaxiibtinnimo wanaagsan sii sameystaan Mareykanka iyo Turkiga, isdhexgalkooduna uu meesha ka saaro kala shaki badan oo dhici lahaa. Hase yeeshee waxaa ka dhalan kara saameyn ku aaddan dhinacyo kale oo badan.

Wali ma cadda in Mareykanku uu ugu dambeyn hirgelin doono heshiiska diyaaradaha looga iibinayo Turkiga, inkastoo maamulka Biden uu la kulmi karo caqabad uga imaata dhinaca baarlamaanka.

Aqalka Wakiillada Mareykanka ee Congress-ka ayaa la ogyahay inuu hor joogsan karo fulinta tallaabadaas, waxaana uusan shaki ka taagneyn in ay Erdogan ku qoonsadeen waxyaabo badan, sida xad gudubyada xuquuqda aadanaha iyo howlgallada militari ee uu ku bartilmaameedsado xoogagga kurdiyiinta Suuriya ee uu Mareykanku taageero.

Carada Congress-ka waxaa sidoo kale qayb ka ah hubka uu horayba Erdogan uga soo iibsaday Ruushka, haddana uu wali ku adkeysanayo inuu qaybtii labaad ee gantaallada difaaca cirka kasoo iibsado Moscow.

Aqalka Cad ee uu hoggaamiyo Biden ayaa u muuqda inuu ka fakarayo sida uu xal ugu heli karo xaaladdan oo faraha kasii baxeysay tan iyo markii labada waddan ay isku maan dhaafeen go’aankii uu Turkiga ku iibsaday gantaallada difaaca hawada ee uu Mareykanku uga digayay.

Madaxweyne Erdogan oo Mareykanka ku eedeeyay inuu ku guul darreystay hirgelinta heshiiska ganacsiga hubka oo lacagtiisa la bixiyay ayaa laga dhowrayaa inuusan ka gaabinin wadashaqeynta dhinaca hubka ee Ruushka, isagoo dhagaha ka fureysanaya digniinaha uga imaanayaan dhianaca Mareykanka.

Madax xanuunka Biden wuxuu ka taagan yahay waxa uu ka yeelayo arrintan, sababtoo ah haddii uu Turkiga u fasaxo diyaaradaha F-16 waxaa tallaabadaas mid aan loo baahneyn oo is dhiibitaan ah u arkaya dalalka dhaleeceeya siyaasadda Ankara, haddii uu u diidana Erdogan waxa uu helayaa marmarsiiyo uu ugu wareego dhinaca Ruushka.

Waxaase xusid mudan in Erdogan uu Turkiga u sababayo cunaqabateyno uga imaada Mareykanka, haddii uu ku adkeysto xulafeysiga dhinaca difaaca ee Putin.

Qoraaga faallada ayaase hoosta ka xaqiiray in madaxweynaha Turkiga uusan heysan doonin waddo kale oo aan ka ahayn inuu ka tashado Mareykanka.

Sanadkii 2019-kii, mar uu Erdogan ka qayb galay munaasabad ay dhoollatus ku sameynayeen militariga Ruushka, ayuu isagoo jalaato la cunaya Putin kula kaftamay sida uu u arko inuu ka iibsado mid ka mid ah diyaaradaha Ruushka ee loo yaqaano Su-57.

Qaar ka mid ah saraakiisha reer galbeedka ee ka soo horjeeda xiriirka Ankara iyo Moscow ayaa hadda ka walaacsan in Erdogan uu ka dhabeeyo kaftankaas.

Source-BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post