813 Views

Itoobiya oo Qunsul u soo magacaabatay Puntland

Itoobiya oo Qunsul u soo magacaabatay Puntland
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | January 24, 2021
—Dowladda Itoobiya aya qunsul Cuusb u soo magacaabatay xafiiska ay ku leedahay Magaalada garoowe ee Caasimadda dowlad goboleedka Puntland, iyada oo Maanta uu Shaqo bilaabay.

Qunsulka oo lagu Magacaabo Degnachew Yitbarek ayaa Maanta booqasho ku tegay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garoowe, isaga oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Puntland uu Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Qunsulka cusub ee Ethiopia ee Puntland Mr Degnachew Yitbarek.

Puntland ayaa xiriir toos ah waxaa ay la leedahay Dowladda Itoobiya, kaas oo ku saabsan dhinaca amniga, Ganacsiga, iyada oo sidoo ale diyaarada Shirkadda Ethiopian Airlines ay duulimaadyo toos ah ku timaado degaannada Puntland.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post