2361 Views

Muwaadin Somaaaliyeed Oo Ku Caan Baxay La-Dagaalanka Qabyaalladda Oo La Abaalmarin Doono

Muwaadin Somaaaliyeed Oo Ku Caan Baxay La-Dagaalanka Qabyaalladda Oo La Abaalmarin Doono
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 30, 2018 –Waxaa Jimcihii la shaaciyey Liiska 1,148 qof oo la filayo inay Boqoradda Queen Elizabeh II abaalmarino guddoonsiiso sannadka cusub ee 2019-ka.

Dadka la abaalmarinayo oo ay ku jiraan Ciyaartooy, Fannaaniin, U-ololeeyaasha Arrimaha Nabadda iyo Bulshadda, Weriyayaal iyo xubno kale.

Dadka ay Boqoradda Britain la filayo inay guddoonsiiso Abaalmarinadaasi waxaa ka mid ah Muwaadin Somali lagu magacaabo Aadan Mataan, kaasi oo lagu abaalmarinato Adeegyadda uu u hayo Jaalliyadda Soomaalida ku nool Britain iyo sidii uu gacanta uga geysto ballaarinta Xiriirka UK iyo Sonmalia.

Aadam Mataan oo Madax ka ah Urur u dhaqaaqa La-dagaalanka Qabyaalladda ayaa waxa uu noqon doonaa Shaqsigii  ugu horreeyey ee  Soomaali ah oo lagu abaalmariyo Abaalmarinta ay Boqoradda UK bixiso sannad kasta.

Shaqsiyaadka ay Boqoradda UK abaalarinada guddoonsiinayo sannadka cusub ee 2019 waxa kaloo ka mid ah 544 Haween oo loo aqoonsaday in la abaalmariyo.

Shaqsiga ugu yar oo Liiska Abaalmarinta ka muuqda waa Saciid Attcha oo 22-jir ah, kaasi oo ah Asaasaha Wargeys ka hadla Arrimaha dhallinyarada, wuxuuna Adeegyo u qabtaa Dhallinyarada iyo Mujtamaca ku nool Greater Manchester.

Sidoo kale, Shaqsiga ugu da’da weyn ee la guddoonsiin doono abaalmarintaas ayaa ah 100-jir lagu magacaabo Robert Lingwood, kana qeyb galay Dagaalkii 2-aad ee Adduunka.

Si kastaba ha ahaatee, dadka la abaalmarinayo 12% waxay kazoo jeedaan dadka madow, kuwa Eeshiyaanka iyo kuwa laga tiro badan yahay ee ku nool dalka UK, halka 4% yihiin dadka baahiyyaalka gaarka qaba ee Naafadda ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment