657 Views

Somaliland oo heshiis ku kacaya malaayiin dollar la gashay dalka Hindiya

____________________________________________________________________________

Axad: December 5, 2021

 Somaliland ayaa heshiis cusub oo dhanka caafimaadka ah, isla-markaana ku kacaya malaayin dollar la gashay dalka Hindiya, taas oo noqotay arrin lama filaan ah, maadaama aysan Somaliland iyo Hindiya laheyn xiriir toos ah oo ballaaran.

Heshiiskan waxa Somaliland ay si gaar ah ula gashay isbitaalada Deepam Hospitals ee ku yaala magaalada Channai ee gobolka Tamil Nadu, waxaana u saxiixay madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Cabdiraxmaan Saylici oo haatan booqasho ku joogo dalka Hindiya.

War laga sii daayey Telefashinka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in lacagtaasi lagu dhisi doono isbitaal casri ah oo laga hirgeinayo Somaliland.

“Maxdaxweyne ku xigeenku isagoo sii anba qaadaya safarkiisa shaqo wuxuu heshiis maalgashi la saxiixday mid ka mida cusbitaallada ugu waaweyn dalka Hindiya kuwaas oo dalka ka dhisi doona cusbitaal ku kacaya $100,000,000 million (100 million) oo dollar”.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi kusii daraya “Heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa madaxda ugu sarreysa cusbitaalka, Wasiirro iyo saddex bangi oo waaweyn oo ku yaal dalweynaha Hindiya”.

Hindiya ayaa ka mid ah dalalka ugu horreeya xagga caafimaadka, waxaana dalkaasi arrimo caafimaad u aada dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan koonfurta iyo waqooyiga dalka.

Si kastaba, Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyey wadday dadaallo xoogan oo ay ku hormarineyso xiriirkeeda dibadda, iyada oo horay iskaashi ula yeelatay Taiwan, kaas oo ay si weyn uga hadleen,kana horyimaadeen dowladda federaalka iyo sidoo kale mida Shiinaha.

By Istar Cabdi Yuusuf 

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post