645 Views

Ciidamada Puntland oo howlgal qorsheysan fuliyay

Ciidamada Puntland oo howlgal qorsheysan fuliyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 1, 12021Ciidamo ka tirsan kuwa Badda Puntland ee loo soo gaabiyo PMPF ayaa holwgallo qorsheysan waxaa ay Maanta ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Bari yo Gardafuu.

Degaananda holwgallada laga fuliyay ayaa waxaa kamid ah Buruc, Bacaad, Qandalaha Dhurbo iyo Xaabo, waxaana saraakiisha hoggaamineysay ay sheegeen in uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay.

Qoraal kasoo baxay PMPF, ayaa waxaa  lagu sheegay in hawlgallada ujeedkeedu ahaa in laga hortago kalluumeysiga sharci-darrada ah, Argagixisada iyo Burcad-badeedda.

“Ciidamada PMPF oo hawlgallo ka fuliyey xeebaha deegaanada Buruc, Bacaad, Qandala, Dhurbo iyo Xaabo oo ka tirsan gobolada Bari iyo Gardafuu. hawlgalladan ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsanaayey Kalluumaysiga sharcidarada ah, argagixisada, burcad badeedda iyo mukhaadaraadka ayaa lagu yiri” Qoraalka PMPF.

Saraakiisha Ciidamada Badda Puntland ee howlgalka fuliyay ma sheegin waxyaabo ay soo qabteen, hayeeshee waxaa ay sheegeen in hwlgallada ay noqon doonaan kuwa sii socda.

Degmooyin iyo degaano ka tirsan Gobolka Bari ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro iyo dilal qorsheysan oo ay mas’uuliyadooda sheegteen Al-Shabaab & Kooxda Daacish oo ka howlgasha degaano ka tirsan Puntland.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post