942 Views

Joe Biden oo ku dhawaaqay in 500 oo milyan oo qalabka baaritaanka si bilaash ah loogu qeybin doono shacabka Mareykanka

Joe Biden oo ku dhawaaqay in 500 oo milyan oo qalabka baaritaanka si bilaash ah loogu qeybin doono shacabka Mareykanka
____________________________________________________________________________


Arbaco: December 22, 2021

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in 500 oo milyan oo qalabka baaritaanka ah si bilaash ah loogu qeybin doono shacabka, arrintaas oo qayb ka ah tallaabooyinka cusub ee Mareykanku uu u qaadayo la tacaalista nooca Omicron ee ka mid ah fayraska corona.

Balse dadka dhaliilsan go’aankan ayaa sheegay in tallaabadaasi ay noqon karto mid daahsan oo aan waxba tareynin, maadaama aan la hirgelin karin ka hor bisha January.

Mr Biden ayaa sidoo kale shaaciyay in la furi doono toban kun oo xarumood oo cusub oo lagu tallaalo dadka.

Khudbaddiisa ayuu Mr Biden eed ugu jeediyay shakhsiyaad telefishinka ka hadla oo uusan magacyadooda sheegin iyo shirkado isticmaala baraha bulshada oo lacag ka sameeya been abuur ku saabsan tallaalka iyo marin habaabinta xogta fiditaanka cudurka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post