972 Views

Guddoomiye Yariisow “Siyaasiyinta Stress-Ka Hayo Waa Ka Bi’i Lahaa Hadii Ay Ordi Lahaayeen”

Guddoomiye Yariisow “Siyaasiyinta Stress-Ka Hayo Waa Ka Bi’i Lahaa Hadii Ay Ordi Lahaayeen”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 08, 2019 –Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Curmar Cismaan (Eng.Yariisow) oo xalay ka qeyb galay Munaasabad lagu abaal-marinayay Cayaartoodii ku guuleysatay tartarkii Oradka gaaban ahaa ee Muqdisho lagu qabtay ayaa weerar afka ku qaaday Siyaasiyiinta Careysan ee dalka.

Duqa Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Siyaasiyiinta dalka hadii ay ka qeyb qaadan lahayeen tartarkii Oradka gaaban ee lagu qabtay Muqdisho uu uu ka yaraan la haa xanaaqa haaya,isla markaana sabtidii Baarlamanka wixii ka dhacay uusan ka dhici laheyn.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay Guddoomiye Yariisow in dalka uu u baahan  yahaya xasilooni amniga,taasina ay ku imaan karto in siyaasiyiinta kaalin weyn ay ka qaataan sugida amniga Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Curmar Cismaan (Eng.Yariisow) ayaa waxa uu xusay inay ka Go’an tahay garab istaaga Ciidanka Xooga dalka,isla markaana ay shaqeyn doonaan sidii loo heli lahaa xasilooni siyaasadeed.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment