615 Views

Kulan u socdo RW Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada & Wakiilada Beesha Caalamka

Kulan u socdo RW Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada & Wakiilada Beesha Caalamka
____________________________________________________________________________

Waxaa haatan uu kulan uu uga socdaa teendhada Afisiyooni Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta, Madaxda Shanta Dowlad Goboleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir & Wakiilada Beesha Caalamka.

Kulanka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa waxaa looga hadlayaa Arimaha Doorashooyinka iyo Amniga Dalka ee dhawaan Madaxda Soomaalida ay heshiiska ka gaareen.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlayaa sidii hoggaamiyeyaasha Soomaalida u dhaqan gelin lahaayeen heshiiska, iyaga oo taageero dhinac walba ah ka helaya Wakiilada Beesha Caalamka.

Khamiistii la soo dhaafay ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa ay siwadajir ah u saxiixeen heshiis doorasho oo ay ku gaareen Shir Afar Maalin uga socda Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post