264 Views

Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif oo si adag u beeniyay eedeymaha uga yimid hogaamiyaha mucaaradka, Imran Khan

Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif  oo  si adag u beeniyay eedeymaha uga yimid hogaamiyaha mucaaradka, Imran Khan
____________________________________________________________________________

.

Sabti: NOVEMBER 5, 2022

Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa si adag u beeniyay eedeymaha uga yimid hogaamiyaha mucaaradka, Imran Khan, kuwaas oo ahaa inuu ku lug lahaa shirqool dil ah oo isaga ka dhan ahaa.

Mr Sharif ayaa ka codsaday maxkamada sare in ay baaritaan ku sameyso Mr Khan sheegashada uu sameeyay.

Hoggaamiyaha mucaaradka — oo nin hubeysan uu lugta ka toogtay Khamiistii — ayaa ku eedeeyay in ra’iisul wasaaraha, wasiirka arrimaha gudaha iyo sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ay ka dambeeyeen weerarkaas, xilli uu dibadbax ka socday.

Waxaa maalintii labaad guud ahaan Pakistan ka socda isu soo baxyo ay wadeen taageerayaasha Mr Khan – kaas oo xukunka laga tuuray bishii April.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post