1374 Views

Sawiro:-R.W Khayre Oo Soo Xiray Shirka Rugta Ganacsiga Qaranka

Sawiro:-R.W  Khayre Oo Soo Xiray Shirka Rugta Ganacsiga Qaranka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 04, 2019 –MRa’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa soo xiray shir rugaha Ganacsiga dalka laba maalin uga socday magaalada Garowe.

 

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa munaasabadda xiritaanka shirka ka sheegay in dawladdu si dhaw ula shaqanyso ganacsatada ayna bogaadinayso dowrkooda ku aadan horumarinta, ganacsiga, dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka.

 

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu kula dardaarmay ganacsatada iyo hoggaanka rugaha ganacsigu in ay xoojiyaan xiriirka ka dhexeeya si horumarin loogu sameeyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

 

Arrimaha ay shirkooda uga hadleen rugaha ganacsiga dalka, ayaa waxaa kamid ahaa suuq geynta wax–soo–saarka dalka, iyo sidii shirkadaha Soomaaliyeed uga qayb geli lahaayeen carwooyinka iyo bandhigyada lagu qabto suuqyada heer gobol iyo heer caalami.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment