297 Views

Suuqa Baardheere oo Gabi’aan Ku Xirmay Daadadka Magaalada Ku Rogmaday

Suuqa Baardheere oo Gabi’aan Ku Xirmay Daadadka Magaalada Ku Rogmaday
____________________________________________________________________________

Baardheere | March 28, 2023 – Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka da’een Roobab lixaad leh ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay qeybaha kale duwan ee nolosha bulshada degada, iyadoo ay isugu darsameen Fatahaad ka dhalatay Roobabka iyo sidoo kale Wabiga Jubba oo karkaarada jabsaday oo ku fatahay inta badan magaalada.

Roobabka ayaa gaystay khasaare dhimasho iyo burbur xooggan oo hantiyeed waxaana ku xirmay gebi ahanaba suuqii weeynaa ee degmada kadib marki daadadku ay kusoo rogmadeen gudaha suuqaas, oo ay taalay Hanti ay lahaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed, waxaana ka dhashay burbur xooggan oo soo gaaray suuqa Baardheere.

Ganacsatada Baardheera ayaa sheegaya in boqolkiiba sagaashan khasaaraha daadadku ay sababeen uu geystay saameen ganacsatada ku noolaa degmada, waxaa sidoo kale ka dhashay khasaare dhimasho gaaray ilaa 20 ruux, waxaana sidoo kale ku barakacay boqolaal qoys oo degnaa xaafadaha qaar ee degmada Baardheere ee Gobolka.

Cabdulqaadir Maxamed Cabdi (Cabdulqaadir Caseeye) oo ka mid ah ganacsatada suuqa magaalada Baardheere ayaa arrimahaan uga warramay wariye Aden Maxamed Cabdi Saalamiin ayaa BBC-da u sheegay”Khasaaraha Suuqa lama soo koobi karo 90% ayuu gaaray dabaqada ugu sareysa iyo midda ugu hooseysa wuu saameeyay”

Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxaa inta badan saameyn  u geysta roobabka ka da’a degmada iyadoo mararka qaar ay daadad xooggan ay kusoo rogmadaan, halka mararka qaar uu karkaarrada jabsado Wabiga Jubba, kaas oo Fatahaad baaxad leh ka geystay, Fatahaadii ugu dambeysay waxaa ku geeyooday tiro dad ah.

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo dhowaan safar ku tagay degmada ayaa sheegay in Baardheere ay u baahan tahay gurmad xooggan, kaas oo lagu samatabixinayo dadka khasaaraha uu kasoo gaaray fatahaadaha ka dhacay, waxaa sidoo kale burbur soo gaaray Buundada la isaga gubdbo labada dhimac.

______________________________________________________________________

Qaranimo Online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post