1182 Views

Ururka Iskaashiga Islaamka oo Jabuuti ku taageeray ololaheeda kursiga QM

Ururka Iskaashiga Islaamka oo Jabuuti ku taageeray ololaheeda kursiga QM
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 24, 2019 —Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa shaaciyay in uu dowladda Jabuuti uu ku taageeri doono Ololaha ay Ugu jirto kursiga Afrika ee Qaramada Midoobey oo ay ku tartamaayay dalalka Kenya iyo Jabuuti.

 

Codeyntii midowga Afrika ee Cidda Kursigaasi ku mataleysa Afrika ayaa waxaa ku guuleysatay dowladda Kenya, laakiin Jabuuti waxa ay sheegtay in dalalka kale ee Carabta ay taageero ka raadsan doonto.

 

 

 

Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa War kasoo baxay dowladda Jabuuti loogu  ballanqaaday in ay ku taageeri doonaan kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey, maadaama dowladda Jabuuti ay ka mid tahay Ururka Iskaashiga Islaamka laakiin Kenya aysan ku jirin.

 

Waddamada ku jira Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxaa ay ka koobanyihiin 57 Dowladood, waxaana hadii Codkooda ay siiyaan ay ka guuleysan kartaa Jabuuti dowladda Kenya.

 

Waddamada Mareykanka, China, Japan iyo kuwo kale ayaa sidoo kale taageeraya dowladda Jabuuti maaddaama ay saldhig Milatari ku leeyihiin.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment