852 Views

Dagaal culus oo ka dhacay Jubbada Hoose & khasaaro ka dhashay

Dagaal culus oo ka dhacay Jubbada Hoose & khasaaro ka dhashay
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 21 2020
—Dagaalka ayaa waxaa uu dhex-maray Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka AMISOM iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland oo dhinac ah, waxaana uu ka dhacay degaanka Qooqaani oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ee degaanka Qooqaani, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo geystay khasaaro kala duwan.

Dadka degaanka qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay maadaama ay aheyd xilli habeen ah badi dadka ay wada jiifeen.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab, isla markaanaa ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka aan ka heleyno degaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan maadaama Saldhigooda weerar lagu qaaday.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post