762 Views

Maamulka G/Banaadir oo Safiirka Qatar kala hadlay fulinta mashaariic

Maamulka G/Banaadir oo Safiirka Qatar kala hadlay fulinta mashaariic
____________________________________________________________________________

Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Xiireey Axmed Rooble ayaa ku booqday Xarunta Safaaradda Qatar ay ku leedahay Caasimadda Muqdisho Danjire Hassan Hamza Asad Hashem.

Danjire Hamza iyo Xoghayaha ayaa waxa ay ka wada hadleen xoojinta dhameystirka Mashaariicda ka socda Magaaladda iyo sidii loo Horumarin lahaa Mashaariicda la filayo Mustaqbalka oo ay Safaaraddu wakiilka uga tahay Dowladda Qatar iyo dhamaan Hay’adahooda Kheyriga ah.

War kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in kulanku uu kusoo idlaaday is afgarad iyo isfaham dhamaystiran, isla markaana lagu balamay in la joogteeyo kulamadda noocaan ah.

Dowladda Qatar ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageerada weyn siiya Soomaaliya, waxaana la sheegaa in ay saaxiibo gaar ah la tahay Madaxda hadda fadhida Villa Soomaaliya oo uu horkacayo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post