465 Views

Barlamaanka Turkiga oo ogolaaday in mudo kordhin loosameyo howlgalka Turkiga ee Libya

Barlamaanka Turkiga oo ogolaaday in mudo kordhin loosameyo howlgalka Turkiga ee Libya
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 22, 2022

Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay codsigii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee ahaa in muddo 18 bilood ah loogu kordhiyo howlgalka ciidamada Turkiga ee Libya, laga bilaabo 2-da Luulyo ee soo socota.

Qoraalka uu ku saxeexan yahay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa waxa uu kaga hadlay sababaha codsigaas loo cuskaday, waxaanu yiri “Dadaalladii ay Libya bilowday ka dib dhacdooyinkii February 2011, ee lagu dhisayay hay’adaha dimuqraadiga, waxay ahaayeen kuwa aan waxba tarayn, sababo la xiriira iskahorimaadyo hubaysan oo horseeday soo ifbaxa haykalkii maamul ee dalka oo burbursan”.

Qoraalka ayaa intaa ku daray in “Beesha Caalamku ay u aqoonsatay Dowladda Heshiiskii Qaran ee ku hoos jiray Heshiiskii Siyaasadeed ee Liibiya inay tahay dowladda kaliya ee sharciga ah ee matasha Liibiya,” waxayna ku tilmaantay “Ciidanka Qaranka Liibiya” (oo uu hoggaamiyo Khalifa Haftar), “ma lahayn wax” sharci ahaan, ha ahaato mid gudaha ah ama mid caalami ah” iyo in aanay ” xiriir la lahayn Heshiiska Siyaasadda Liibiya.

Sida ku xusan qoraalka, ciidankaas ayaa isku dayay 2019 in ay “qabsadaan caasimadda, Tripoli, oo ay afgembiyaan Dowladdii Axdi Qarameedka,” taas oo qasabtay codsiga “Dowladda Liibiya ee Heshiiska Qaran ee kaalmada Turkiga December 2019”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post