720 Views

8 Dhalinyaro oo ku dhintay Qaraxii Gelato Devino oo Muqdisho lagu aasay

8 Dhalinyaro oo ku dhintay Qaraxii Gelato Devino oo Muqdisho lagu aasay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 28, 2020 –Allaha ha unaxariistee waxaa isbitaalka xoogga dalka ka dhacay aaska siddeed dhalinyaro ah oo xalay ku dhintay Qarax Ismiidaamin oo lala beegsay maaqayad ama goob lagu nasto ee loo yaqaano Gelato Devino ee ku taalla ka soo horjeedka xarunta Sahal ee wadada garoonka Aadan cadde.

Aaska waxaa ka qayb-galay boqolaal dad shacab ah, qaar ka mid ah ehelada murxuumiinta, masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya  iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Weerarkaan xalay lala beegsaday goobtaan lagu nasto ayaa sidoo kale waxaa jiro dad kale oo dhaawacyo  ka soo gaareen, iyadoo lagu dabiibayo isbitaallada magaalada Muqdisho.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post