717 Views

Doorashada Mareykanka: Sidee musharraxa laga adkaado uu u qiranayaa guul-darrada?

Doorashada Mareykanka: Sidee musharraxa laga adkaado uu u qiranayaa guul-darrada?
____________________________________________________________________________

Sanatar Jones ayaa hadda igu wargeliyay in natiijada ay muujineyso in adiga lagu doortay, waxaana si degdeg ah kuugu soo gudbinayaa hambalyo. Waxaan arrinta ku wareejinnay dadka Mareykanka hankooduna waa sharciga.”

Musharraxii madaxtinnimada Mareykanka, William Jennings Bryan ayaa farriintaas gaaban aaladda telegram-ka ugu diray ninkii ay isla tartamayeen William McKinley sanadkii 1896, labo maalmood kaddib markii uu ku guul-darreystay doorashadii sanadkaas.

Waxay noqotay farriin qirasho guul-darro ah oo aad looga helay. Tan iyo wixii intaas ka dambeeyayna waxay ahayd mid ay adeegsadaan musharraxiinta laga guuleysto, iyadoo aan loo eegeyn cadaawadda ka dhalatay tartanka doorashada ee la isku hayay, waxaana musharraxa laga guuleyso uu farriintaas ku diri jiray saacado gudahood.

Balse ma jirto sharci ku qasbaya in musharraxa uu qirto guul-darro. Haddii uu musharraxu qiran waayo in laga adkaaday, waxay taasi albaabka u fureysaa dacwad maxkamad iyo jahwareer.

Sanadkii 2000, musharraxii madaxtinnimada ee xisbiga Dimuqraaddiga, Al Gore ayaa qirtay in George W Bush uu ka adkaaday, balse qirashadaas wuu ka laabtay wuxuuna dacwad u gudbiyay Maxkamadda Sare, maxkamadda ayaa arrinta xallisay iyada oo garta siisay Bush.

Dadka ayaa baraha bulshada ku soo wadaagayay farriimaha musharraxiinta madaxtinnimada ee laga guuleystay, iyagoo la barbardhigaya doorashada sanadkan 2020.

Amol Rajan oo BBC-da ka tirsan ayaa barta Twitter-ka soo dhigay khudbadda John McCain uu ku qiranayo in Barack Obama uu kaga guukeystay doorashada, sanadkii 2008.

Inkastoo ay dhowdahay xilliga lagu dhawaaqayo natiijada, kooxda ololaha Trump ayaa caddeeyay in madaxweynuhu uusan si degdeg ah u qiran doonin haddii Joe Biden uu doorashada kaga guuleysto.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post