936 Views

magaalada Cape Twn oo 9 Qof oo Daraawalada BL-ka iyo Dad Rayid ah isugu jira, lagu dilay

magaalada Cape Twn oo  9 Qof oo Daraawalada BL-ka iyo Dad Rayid ah isugu jira,  lagu dilay
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 7, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Cape Twn ayaa sheegaya in 9 Qof oo Milkiilayaal, Daraawalada BL-ka iyo Dad Rayid ah isugu jira,  lagu dilay iska hor imaadyo saacadihii lasoo dhaafay ka shacay boosteejada Tagaasyada Xaafadda Bellville ee Soomaalida u ah Deegaan iyo Halbowlaha Ganacsiga ee Magaalada Cape Town.

Bellville, Khayelitsha, M/Plain ilaa deegaanada ku xeeran, ayaan wax Taxi (Gaadiidka dadweynaha) ah ka jirin, iyadoo hareeraha wadooyinka ilaa Fiidnimadan Caawa ah lagu arkayo Shacab raxan raxan u socda oo Xaafadahooda u lugaynaya kadib markii halkaas ay ka dhaceen khalalaaso.

Soomaalida ku nool Tuulooyinka ka durugsan Bellville, ayaa kamida Rakaabka sida joogtada ah u raaca Baabuurta Caasiyada, waxaana iminka muuqanaysa khatar xargaha goosatay.

Soomali aad u badan ayaa ku nool magaallada Cape Town kuwaas oo ganacsiyo kala duwan ku leh dalkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post