924 Views

Maraykanka oo ka digay Weerar Daliban ku qadan Ciiddanka Maraykanka ee ku sugan Garoonka Kabul.

Maraykanka oo ka digay  Weerar Daliban ku qadan  Ciiddanka Maraykanka ee ku sugan Garoonka Kabul.
____________________________________________________________________________

Talaado: August 17, 2021

Afhayeenka Taliska Dhexe ee Ciiddanka Maraykanka (CENCOMAND) ayaa sheegay inay heleen Xog Xasaasi ah oo ku aadan Weerar ay Daalibaan la maagan yihiin Ciiddanka Maraykanka ee ku sugan Garoonka Diyaaradaha ee Hamid Karazai international Airport ee magaalladda Kabul.

Afhayeenka waxa uu ka gaabsaday inuu qeexin nooca weerar ee ay Daalibaan u maleegayso Ciiddanka Maraykanka ku sugan Kaabul.

Hadalkiisa ayaa soo baxay, kadib, markii ay Ciiddanka Maraykanka shalay 7 qof ku dileen Garoonka Kabul, kuwaasi oo 2 ka mid ah hubeysnaayeen, sida lagu sheegay hadalka ka soo baxay Milliteriga Maraykanka.

Dhinaca kale, Afhayeenka Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon, Admiral John Kirby ayaa goor dhow shaaciyey in dhamaan Diyaaradaha Milliteriga iyo kuwa Rayidka laga mamnuucay inay ku soo degaan Garoonka Diyaaradaha ee Kabul.

Afhayeenka waxa uu Go’aankaasi ku sifeeyey sababo la xiriirta dadkii faraha badnaa ee maanta ku soo xoomay dhabaha ay Diyaaradaha caga-dhigtaan re Garoonkaasi.

“Ciiddanka Maraykanka waxaa ka barbar shaqeynayo ciiddamo Turkish uti kuwa Caalamiga, si dadka looga nadiifiyo goobtaasi” ayuu yiri Afhayeenka Waaxda Difaaca Maraykanka, Admiral John Kerby oo sii raaciyey inaysan ogayn muddada ay qaadan doonto Xiritaanka Garoonka Hamid Karazai International Airport ee Kabul

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post