2034 Views

Xildhibaanada Galmudug oo ka doodaya mooshinka laga keenay Carabey

Xildhibaanada Galmudug oo ka doodaya mooshinka laga keenay Carabey
____________________________________________________________________________

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta waxa ay kulan ku yeelanayaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, sida ay inoo sheegeen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa xalay lagu wargeliyay in maanta oo Axad ah uu jiro kulanka baarlamaanka, islamarkaana ajandaha kulanka uu yahay ka doodista mooshinka ka yaalla Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Mudanayaal gaaraya 97 ayaa waxa shalay mooshin xilka qaadis ah u gudbiyeen guddoomiye ku-xigeenka Koowaad Xareed Cali Xareed, waxayna tilmaameen inuu shaqadiisa gabay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay sheegayaan in xalay xildhibaanada baarlamaanka ay kulamo gaar gaar ah ku yeelanayeen magaalada Dhuusamareeb oo ay kaga hadlayeen mooshinka yaalla.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment