1317 Views

MD laftagareen oo ka qeyb galay dhaarinta Gudiga Adeega Garsoorka

MD laftagareen oo ka qeyb galay dhaarinta Gudiga Adeega Garsoorka
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 18 2021=Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka qeyb-galay Munaasabad lagu dhaarinayey Gudiga Adeega Garsoorka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee dhowaan Madaxweynaha uu Magaacabay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa gudiga Adeega Garsoorka kula dardaarmay inay si cadaalad ah ugutaan waajibkooda shaqo ayna u cadaalad falaan bulshada.

“Dowladnimadu bilowgeeda iyo aas-aaskeeda waa garsoor iyo cadaalad hadii cadaalada iyo garsoorka uu galo walaac,baqdin iyo shaki oo uu istaagi waayo dowladnimadu maistaagto, waxaan ubaahanahay dadka reer koonfur galbeed meel waliba ay joogaan inay cadaalad helaan, xukunkaan iyo dowlada koonfur galbeedna ay ka helaan dadka hormuudka unoqonaayo oo larabo inay ka shaqeeyaan waa idinka waxaan idinkula dardaarmayaa inaad howshaas si cadaalad ah aad ugu adeegtaan bulshada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Gudi Rabi uga bariyey in xilka loo igmaday la garab galo lana fududeeyo howsha adag.

Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post