882 Views

Militeriga Chad oo sheegtay inay jebiyeen maleeshiyaad ka dagaallama waqooyiga

Militeriga Chad oo  sheegtay inay jebiyeen maleeshiyaad ka dagaallama waqooyiga
____________________________________________________________________________

May 10 2021

 Militeriga Chad ayaa ku sheegtay inay jebiyeen maleeshiyaad ka dagaallama waqooyiga kadib dagaallo toddobaadyo ka socday halkaas.

Dagaalka ka dhanka ah fallaagada fadhigeedu Libya ayaa qalalaase ka horseeday gudaha Chad kadib markii bishii lasoo dhaafay uu jiidda hore ee dagaalka ku dhawaacmay madaxweynihii Chad Idriss Deby oo markii dambe u dhintay dhawaaca.

Maleeshiyaadka waxay dhankooda sheegeen in aanay ka war qabin wararka sheegayo in laga guuleystay.

Axaddii ciidamada ayaa dabbaaldegyo ka sameeyay magaalada caasimadda ee N’Djamena, si shacabka ay taageero ugu muujiyaan militeriga Chad xilli uu jahwareer ka taagan yahay halkaas.

Weriyeyaal ku sugnaa sladhig ciidan ayaa arkay tiro dad ah oo lasoo qabtay kuwaas oo lagu sheegay inay ka tirsanaayeen fallaagada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post