120 Views

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Muqdisho

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

MUQDISHO — Qarax khasaare gaystay ayaa barqanimadii maanta waxa uu ka dhacay xarun mashquul badneyd oo ku taalla degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen saddex qof, laba qof oo kalena ay ku dhaawacmeen. Goobjoogeyaal ayaa sheegaya in khasaaraha uu intaas ka badan yahay.

Meesha qaraxa uu ka dhacay oo u dhow xarrunta gobolka Banaadir, ayay goob joogayaal sheegayaan in uu ahaa mid xooggan oo dadka qalqal geliyay. Waxaa qaraxa fuliyey qof is-miidaamiyey.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post