1053 Views

Jubbaland oo xareyneysa Odoyaasha soo xulaya Baarlamaanka Maamulkaas.

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 29, 2019-Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ay magaaladaasi tageen Odoyaasha dhaqanka ee soo xulaya Baarlamaanka.

Xarunta loogu talagalay Odoyaasha ayaa la dajiyo, waxaana ammaanka lagu wareejiyay Ciidamo u gaar ah oo sugaya amnigooda.

Ugaas Xuseen Cismaan Nuur oo ah Afhayeenka Odoyaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaanada Jubbaland ayaa musharixiinta ugu baaqay in ay is dajiyaan lana shaqeeyaan Odoyaasha.

Waxa uu ka dalbaday in ay kalsooni muujiyaan, isla markaana Odoyaasha ay u siman yihiin dhammaan Xil doonayaasha.

Sababta loo caawinayo Guddiga Doorashada waxa uu ugaas Xuseen ku sheegay in ka tarjumeyso Nuuca Doorashada dhaceyso, hadii foodo iyo qas uu dhaco aan jirin cid dan ugu jirto sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka Odoyaasha dhaqanka ee soo xulaya Baarlamaanka Jubbaland ayaa musharixiinta ka dalbaday in aysan ciidamada u adeegsan danahooda gaarka ah.

Waxa uu tilmaamay in maalmihii lasoo dhaafay Musharixiinta in Askar ay isku beel yihiin kasoo bixinayay duleedka Kismaayo oo ay ku leeyihiin Saldhigyo Ciidan, marka ay magaalada soo gaaraan ayuu sheegay in ay ka dhigayaan Ilaalo u gaar ah.

Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Jubbaland ayuu tilmaamay Afhayeenka Odoyaasha in loogu talagalay sugidda ammaanka Xarumaha Doorashada, Guryaha Musharixiinta iyo Marka ay magaalada u baahdaan in ay aadaan.

Deegaanada Jubbaland bisha August waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada Jubbaland, waxaana socda Ol-olaha musharixiinta, inkasta oo inta badan ay sheegaan in aysan xor u ahayn in Magaalada Kismaayo kusoo bandhigtaan aragtidooda, iyaga oo sabab ugu dhigay caburin uu ku hayo Maamulka Jubbaland.

Todobaadkii tagay waxaa Magaalada Kismaayo ku kulmay Mushariixinta qaarkood iyo Wasiirka Amniga, waxaana ay kawada hadleen sidii loogu madax banaaneen lahaa loolankooda doorashada in ay dhex geeyaan Bulshada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment