1137 Views

SUXUFI caan ah iyo xaaskiisa oo la soo weeraray

SUXUFI caan ah iyo xaaskiisa oo la soo weeraray
____________________________________________________________________________

Khamiis 23, 4 2020, [Qaranimo Online] Tifaftiraha taleefishinka Republic ee dalka Hindiya Arnab Goswami ayaa sheegay in la soo weeraray isaga iyo xaaskiisa Samyabrata Ray xilli ay ka soo rawaxeen xarunta Istuudiyaha taleefishinka ee ku yaal xaafada Low parel ee magaalada Mumbai.

Weerarkaasi,  waxaa gaystay kooxo watay baaskiilo, waxayna biro ku burburiyeen mid ka mid ah miraayadaha baabuurkii ay saarnaayeen Arnab iyo xaaskiisa, waxaanna qasaaruhu ku koobnaa waxyeelo baabuurka soo gaartay.

Arnab ayaa ka mid ah suxufiyiinta ugu caansan HIndiya, isaga oo habeen walba daadihiya doodo lagu falanqeeyo dhacdooyin siyaasadeedka dalkaasi, waxaanna sidoo kale uu caan ku yahay Barnaamijka la magac baxay “Nation wants to know”

Arnab oo daqiiqado kaddib ka hadlay sida ay wax u dhaceen, ayaa eeda weerarkii loo gaystay dusha ka saarat Sonia Gandi oo ah Guddoomiyaha golaha Qaranka Hindiya.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment