102 Views

Sarkaal ka tirsan Wasaarada shaqada iyo shaqalaha oo sheegay wax lala yaabo.

Sarkaal ka tirsan Wasaarada shaqada iyo shaqalaha oo sheegay wax lala yaabo.
____________________________________________________________________________

Sarkaal ka tirsan Wasaarada shaqada iyo shaqalaha oo sheegay wax lala yaabo.

Aadan Xasan Cabdiraxmaan oo ka tirsan wasaarada shaqada iyo shaqaalaha una fadhiya Safaarada Somaliya ee Qadar ayaa ka been abuuray safaaradaas, waxa uuna ku tilmaamay safiirka Somaliya ee Dalkaas mid la shaqeeya Al-shabaab.
Aadan Xasan Cabdiraxmaan ayaa ah shaqsi aqoon fiican aan u lahayn Dowladnimada, waxa uuna wada shaqayn la laha ama safaaradaas geeyay Madaxweynihii hore ee Somaliya Farmaajo, taasi oo la sheegay in ay safarada Gaystay mudo ka hor.

Aqoonyahada Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay wax lagu qoslo in Sarkaal ka tirsan safarada uu Warqad qoraal ah oo been abuur ah uu ka Sameeyo safiirka Cusub ee Somaliya u magacaawday Dalkaasi, Danjire Doodishe.

Aadan Xasan Cabdiraxmaan oo ka tirsan Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha Dowlada Somaliya, una fadhiya safaarada Somaliya ee Qadar, joogay safaaradaas tan iyo Dowladii dhacday ee farmaajo ayaa ka been abuuray Safiir Maxamed Doodishe, taasi oo ah wax lala yaabo, hab dhaqanka Xun ee uu Sameeyay shaqsigaas oo aan sal iyo raad ku lahayd Dibulumaasiyada.

Aadan Xasan Cabdiraxmaan ayaa ku eedeeyay Wasiirkii hore ee Ammniga Qaranka haatana ah Safiirka Cusub ee Safaaradda Doxa-Qatar in uu la shaqeeyo Argagixiso.
Dhaqankan ayaa laga soo min guuriyqay Dowladii hore dhacday, waxayna taasi ay tahay wax lala fajaco. Xili dhaqan Xumada aadan ay la yaabeen aqoonyahada Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in Aadan Xasan Cabdiraxmaan ay gadaal ka riixayaan Xubno ka tirsan Dowladii Maxamed Cllaahi farmaajo oo caan ku ahayd dhaqanka been abuurrka ah. Gaar ahaan garbihii Farmaajo oo la sheegay in ay aadan Reer ahaan isku xigaan.

Dhinaca kale Bulshada Soomaaliyeed ayaa aad uga falceliyay arintaan. Waxaana dadka isticmaala baraha bulshada ay ku tilmaameen wax aan la aqbali Karin, ayaga oo ku taliyay in aadan lala tiigsado Maxkamad.

“ Waxaan leeyahay arintaan way soo laab laabatay in madaxda la aflagaadeeyo waxaan leeyahay waa in aadan Xasan Cabdiraxmaan lala tiigsadaa Maxkamad, lagana Xayuubiyo Xilka, waxa uu wali wadaa falalkii foosha Xumnaa oo ay Samayn jirtay Dowladii farmaajo oo uu ka tirsanaa”ayuu yiri faarax oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay arintaas.

Sidoo kale Habiib maxamed oo ka mid ahaa shaqaalaha safaarada Somaliya ee kenya isna xigaan isla aadan Xasan Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale waxa uu shaqsiyaad magac leh ku eedeeyay in ay la shaqeeyaan Al-shabaab, taasi oo ah arin ay gadaal ka Riixayaan Dowladii farmaajo oo aad ugu caan ah dhaqankaan qar iska Xoornimada.

Isku soo Duuboo arintaan ayaa soo laab laabatay waxayna dadka Soomaaliyed ee ka Falceliyay ku eedeen aadan iyo Habiib in ay arintaan gadaal ka Riixayaan, ayaga oo sheegay in ay ka danbeeyeen haraadigii Maxamed C/llaahi farmaajo ee 5 Sano dhibaatada iyo Xukun marooqsiga ku joogay Dalka, oo aan halkaan lagu soo koobi Karin dhibaatada ay gaarsiiyeen dalka 5 sano ee la soo dhaafay.
Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post