990 Views

Guddoomiyaha Cusub ee G/Banaadir oo kulamo ka bilaabay Muqdisho

Guddoomiyaha Cusub ee G/Banaadir oo kulamo ka bilaabay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 25, 2019 —Guddoomiyaha Cusub ee Gobolkan Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Finish) ee dhawaan xilkaasi loo Magacaabay ayaa Magalada Muqdisho waxaa uu ka wadaa kulamo uu la yeelano Madax & qeybaha kala duwan ee Bulshada.

 

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa uu kulan la qaatay qaar ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed,kuwaas oo Hoygiisa ugu tegay Hambalyo iyo hambalyo ku aadan xilka loo Magacaabay, iyaga oo dardaaran u jeediyay.

“Waxaa xalay ilaa iyo shalay kulamo kala duwan laqaatay qaar kamid ah waxgaradka soomaaliyeed kuwaa oo iigu yimid hambalyo iyo bogaadin ku adan xilka la’iimagacaabay . Hambalyo kadib waxay isoo jeediyeen dar daaran iyo duco waxaana kadalbaday in maamulka cusub ee aan hogaanka u ahay ay nala shaqeeyaan ayuu yiri Guddoomiye Cumar Finish”.

 

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ka dalbaday Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed inay Maamulka la Shaqeeyaan,isaga oo balan qaaday inay xooga saari doonan sidii muqdisho ay ula tartami lahayd caasimadaha wadamada Caalamka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment