555 Views

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Bilaabay inuu Xilal Sare u magacaabo Madaxda Mucaaradka iyo Sh Sharif oo Xil loo Magacaabay

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Bilaabay inuu Xilal Sare u magacaabo Madaxda Mucaaradka iyo Sh Sharif oo Xil loo Magacaabay
____________________________________________________________________________

Khamiis:May 26,. 2022

Xog aan henay  ayaa sheegeysa in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xil sare u magacaabi doono madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Ilo-wareedyo ko dhow madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saxaafada  u sheegay in Sheekh Shariif u magacaabi doono wakiilka gaarka ah ee “dib u heshiisiinta qaran iyo wada-hadallada Somaliland.”

. Arrimaha ugu weyn ee loo magacaabayo Shariifka ayaa qeyb ka ah inuu dowladda federaalka wakiil ugu noqdo wada hadallada Somaliland oo dowladda cusub madaxweynaheeda u qorsheysan in lasoo celiyo.

Waxaa sidoo kale qeyb ka ah hagaajinta xiriirka maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka oo shantii sano lasoo dhaafay aad u xumaa, ayada oo Xasan Sheekh uu doonayo inuu xiriirkooda hagaajiyo lana yeesho macaamil wanaagsan.

Xasan Sheekh oo markii uu Isniintii xafiiska la wareegay billaabay magacaabis iyo inuu beddalo agaasinkii Villa Somalia ayaa wuxuu horey ugu magacaabay Cabdiaxmaan Cabdishakuur Warsame inuu noqdo ergayga gaarka ah madaxweynaha u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Somalia.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post