876 Views

Dowladda oo dib u dhis ku sameyneysa qeyb kamid ah Garoonka diyaaradaha Beledweyne

Dowladda oo dib u dhis ku sameyneysa qeyb kamid ah Garoonka diyaaradaha Beledweyne
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-31 2020–Sii-hayaha Wasiir ku xigeenka wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada ee xukumadda federaalka Soomaaliya xirsi Rooble iyo maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa sa wadijir u dhagax dhigay dhismaha cusub ee qeybta baarista garoonka ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne.

Munaasabadda oo ka dhacday gudaha garoonka waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socday wasiiradda dowlad goboleedka Hirshabeelle Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo masuuliiyin kale oo kala matalayay heer gobol,Degmo iyo qeybaha bulshada.

Dhismaha qeytaan maanta la dhagax dhigay ayaa ka mid ah baahiyaha garoonka maadaama uusan laheyn dhisme lagu baaro dadka sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay shaqaalle loo tababar maamulka garoonka.

Arrintaa ayaa ka dambeysay kaddib markii 14 julay ee sanadkaan 2020 ay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne ku gubatay Diyaarad laga lahaa dalka Kenya kana soo duushay dalka Jabuuti taasi oo raashin u siday ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howl-galka midowga Africa ee Amisom.

Wafdigaan ee uu hogaaminayay sii hayaha wasiir ku xigeenka wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya xirsi aadan rooble ee saakay gaaray Baladweyne ayaa waxaa ku wehlinayay maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan sidoo kale waxaa qeyb-ka ahaa quburo ajaanib ah uu hay’adda kala shaqeeyaan arrimaha hormarinta garoonmada dalka.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post