336 Views

Madaxweyne Laftagareen, Wasiirka Gaashandhiga & Taliyaha Ciidanka Xooga oo ka wada hadlay howlgallada ka socda KGS

Madaxweyne Laftagareen, Wasiirka Gaashandhiga & Taliyaha Ciidanka Xooga oo ka wada hadlay howlgallada ka socda KGS
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 17, 2022

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wasiirka Gaashandhiga Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage oo Safar shaqo Baydhabo u jooga.

Madaxweyne Laftagareen, Wasiirka Gaashandhiga iyo Taliyaha Xooga Dalka ayaa ka wada hadlay xoojinta Howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii looga saari lahaa guud ahaan degaannada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Wasiirka iyo Taliyaha uga mahad celiyay dadaalkooda ku aadan dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii guud ahaan dalka looga saari lahaa.

Wasiirka Gaashandhiga Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage ayaa inta ku sugan yihiin deegaanada Koonfur Galbeed waxaa ay kormeeri doonaan xerooyinka Ciidamada, iyaga oo saraakiisha Ciidamada kala hadli doona u diyaar garoowga howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post