1956 Views

Wasiirka Socdaalka iyo Qaxootiga dalka Canada Axmed Xuseen oo beeniyay inuu is casilayo

Wasiirka Socdaalka iyo Qaxootiga dalka Canada Axmed Xuseen oo beeniyay inuu is casilayo
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | Maarso 9, 2019 – Wasiirka Socdaalka, Jinsiyadaha iyo Qaxootiga dalka Canada Axmed Xuseen ayaa meesha ka saaray wararka la xiriira inuu is casilaad sameynayo, isagoo sheegay inuu si buuxda ugu Kalsoonyahay Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau.

 

Hadal uu suxufiyiinta ku siisay xafiiskiisa, ayuu ku sheegay inuu shaqada sii heynayo uuna aaminsan yahay in Justin Trudeau uu sii wado maamulka dalkiisa, xili uu wajahayo fadeexad dhinaca Siyaasada ah, taasoo Xisbi ahaan u heysata.

 

“In la sameeyo iscasilaad waxba soo kordhin meyso, ma doonayo inaan ka tago shaqadeyda waayo kalsooni buuxda ayaan ku qabaa ra’iisul Wasaare Justin Trudeau” ayuu yiri Wasiir Axmed Xuseen

 

Warbaahinta Dalka Canada ayaa aad u raadinaya Wasiirro ka goosta ama iska casila Xukuumadda Trudeau, iyaga oo xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Socdaalka, Jinsiyadaha iyo Qaxootiga Canada Axmed Xuseen, inkastoo aysan ka helin waxa ay ka filanayeen.

 

Inta la ogyahay ilaa hada waxaa is casilaad sameeyay labo wasiir oo ka tirsan dowladda Canada, kuwaas oo lagu kala magacaabo Jody Wilson-Raybould iyo Dr. Jane Philpott, waxaana saacad kasta dhici karta shaqa ka tagis ay sameeyaan qaar ka mid ah Wasiirada.

 

 

 

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment