1152 Views

Madaxweynaha Somaliland oo Go’aan ka gaaray in uu hargeyso tago Maxamed Cumar Carte

Madaxweynaha Somaliland oo Go’aan ka gaaray in uu hargeyso tago Maxamed Cumar Carte
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 25|  2020
—Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in uu aqbalay codsi uu usoo gudbiyay Maxamed Cumar Carte Qaalib oo ka tirsanaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaa soo la sheegay in uu xilka ka tanaasulay.

Qoraal uu soo saaray Madaxweynaha Soomaaliland ayaa waxaa uu ku sheegay in ,kaddib markii uu arkay Dastuurka Soomaaliland, qodobka 90aad Xubnintiisa 5aad.

Markii uu arkay qoraalka talo bixinta ee Xeer ilaaliyaha Soomaaliland, Qoraalka wasaaradda Arrimaha Gudaha soomaaliland iyo Codsiga cafiska ah ee Odayaasha Dhaqanka soo gaasriiyeen 21-kii Bishaan in uu cafis u fidiyay Siyaasiga Maxamed Cumar Carte Qaalb oo mar soo noqday Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliland.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu hadal haayay in Xubintii Xidhibaanimo uu ka tegay Maxamed Cumar Carte Qaalib, isla markaana uu tagayo Magaalada Hargeysa, kaddib markii uu xanuun saday Aabihiis Cumar Carte Qaalib.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post