450 Views

Gaari ay la socdeen wariyeyaal iyo askar oo qarax Culus lala eegtay

Gaari ay la socdeen wariyeyaal iyo askar oo qarax Culus lala eegtay
____________________________________________________________________________

Isniin: June 27, 2022

Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka ka dhacay duleedka degmada Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay gaari ay la socdeen wariyeyaaal iyo askar, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Gaariga la qarxiyey ayaa ka mid ahaa kolonyo uu watay guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo horkacayey howlgallo ay ciidamada dowladda ka wadaan halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay ugu yaraan 3 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo isugu jiro wariyeyaal iyo askar saaneyd baabuurka la qarxiyey.

Wariyeyaasha dhaawaca ah waxaa ka mid ah Khaalid Muxumed (Ilkacase), Cabdikariin Shabeellow iyo nin kale oo Magaciisa lagu sheegay Cabdi Gurey.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhaawacyada loo soo qaaday magaalada Beledweyne oo haatan lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan dhacdadaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post